Jiilka 5aad (5G) ee Wireless ka

5G, oo loo soo Gaabiyay (Fith Generation) ama Jiilka 5aad ee isgaadhsiinta wireless ka (bilaa fiilada ah), waxa uu ugu danbayn noqday mid hirgala oo aan ahayn khiyaali.

Jiilkan shanaad ee isgaadhsiinta bilaa fiilada ah ama wireless ka waxa aad imika laga hirgaliyay wadamo badan oo ay ka mid yihiin qaar ku yaal Geeska Afrika.

Tignoolajiyadan waa mid 20 jeer ka xawaare saraysa midkii jiilkii ka horeeyay ee 4G ga ama jiilkii afraad, kaas oo awood u leh in ay hal mar ku soo xidhmaan qalabyo aad u fara badan isaga oo aanu wax nusqaan ah ku imanayan dhanka xawaarihiisa.

waxa uu meesha ka saari doona dhibkii ka haystay dadka dhinaca khadka oo cuslaada iyaga oo mar walba daawan karaya muuqaalo 4K ama 8K ah isaga oo aanu marnaba ka istaagi doonin, sida oo kale marka uu qofku rabo in uu soo dajiyo file xajmigiisu wayn yahay waxa ay qaadan jirtay in mudo la sugo, sida saacado, galin, ama maalin dhan, kaas oo dhib ku ahayd dadka.

Tignoolajiyadan waxa iminka loo isticmaalayaa baabuurta casriga ah, guryaha, iyo waliba in lagu maamulo laydhadhka traafikada ee wadamada horumary.

Iyada oo aan soo sheegnay dhamaan faa’iidooyinka kala duwan ee jiilka 5aad ee isgaadhsiinta wireless ka, hadana waxa laga cabsi qabaa in ay u fududayso kuwa wax jabsada (hackers) in ay si fudud dhib u gaystaan, ama wax u dhacaan maadaama ay helayaan khad xawaarihiisu aad u sareeyo.

Leave a Comment